Xir bogga

La kulanka hay’adda ilaalinta carruurta

Hay’adda ilaalinta carruurta waxay ka jirtaa dhammaan xaafadaha iyo degmooyinka. Waxay ka shaqeysaa inay caawiso carruurta dhibaato qabta, haddii gurigooda ay ka dhacaan wax khatar ku ah ilmaha, ama ay dhici karto wax khatar ah.
waa inay hubisaa inaad hesho macluumaadka muhiim kuu ah. Mar walba waad sheegi kartaa haddii aadan wax fahmin, waadna weydiin kartaa su’aalo.
Sawirka waxaa ka muuqda laba hadal. Mid waa caddaan waxaana ku qoran “üdvözöljük!”, midka kalena waa madow waxaana ku qoran “Soo dhawoow!”

Kulanka ka hor

Haddii aad ku hadasho luuqad aan norwiiji ahayn, waxaad heli kartaa turjubaan. U sheeg hay’adda ilaalinta carruurta kulanka ka hor!
Sawirka waxaa ku jira qof weyn iyo dhallinyaro. Waxay taagan yihiin gidaarka hortiisa, waxaana gidaarka sudhan saacad. Dhallinyaradu madaxa ayuu  saaray garabka qofka weyn, indhahana wu xirtay. Qofka weyn wuu dhoollacaddaynayaa.
Waxaad kulanka la imaan kartaa qof. Tusaale ahaan, wuxuu noqon karaa waalid, qof weyn oo aad ku kalsoon tahay, saaxiib ama walaal.
Tusaalooyin su’aalo aad weydiin karto
  • Maxaan ula kulmayaa hay’adda ilaalinta carruurta?
  • Ma khasab baa inaan kulanka imaado?
  • Yaan la kulmayaa?
  • Yaa kale oo kulanka ka qayb galaya?
  • Maxaan ka wada hadlaynaa?
  • Maxay hay’adda ilaalinta carruurtu iga caawin kartaa?
Way fiican tahay inaad su’aalahan weydiiso qofka ku qaabilsan ama qofka kiiskaaga haya ka hor kulanka, ama inaad qof kale ka codsato inuu kuu weydiiyo.
Gabar ayaa miis fadhida. Waxay leedahay: “Waxaan is weydiinayaa…”

Inta kulanku socdo

Mar walba waad weydiin kartaa su’aalo. Haddii aadan fahmin, mar kale weydii.
Gabar ayaa miis fadhida. Gacmaheeda ayay isku laabatay, waxayna eegaysaa qof kamaradda ka dambeeya.
Adiga ayaa go’aaminaya waxa aad rabto inaad sheegto iyo su’aalaha aad rabto inaad ka jawaabto. Waad aamusi kartaa oo kaliya dhegeysan kartaa haddii aad rabto.

Tusaalooyin su’aalo aad weydiin karto

  • Maxaa igu dhici doona?
  • Yaa ogaan doona waxa aan ka hadlayo?
  • Maxaa la go’aamiyay?
Way fiican tahay inaad kulanka dhexdiisa su’aalo weydiiso qofka kuu qaabilsan.
Qof weyn iyo dhallinyaro ayaa miis fadhiya. Qofka weyn wuxuu fadhiyaa kombiyuutar hortiis, dhallinyaraduna waxay eegaysaa qofka weyn.

Dhammaadka kulanka

Waxaad qofka kuu qaabilsan ka codsan kartaa inuu kulanka soo koobo oo kuu sheego waxa xiga ee dhici doona. Waxaad sidoo kale ka wada hadli kartaan cidda heli doonta macluumaadka ku saabsan waxa kulanka laga wadahadlay, iyo sida macluumaadkaas loo bixinayo.
Mararka qaarkood macluumaadka waa laga qarin karaa waalidkaa, laakiin markaas qofka kuu qaabilsan waa inuu ogaadaa inay khatar kugu noqon karto haddii macluumaadka markiiba la siiyo waalidka.
Dhallinyaro ayaa guriga fadhida daaqad biyo roob ka muuqdaan horteed. Waxay eegaysaa taleefankeeda oo muusig dhegeysanaysaa.
Mar walba waad la xiriiri kartaa qofka kuu qaabilsan kulanka kadib, haddii ay jiraan wax aadan fahmin.
Dhallinyaro ayaa dhex taagan guriga. Waxay kor u haysaa warqad oo ay akhrinayso.
Waxaad xaq u leedahay inaad akhriso waxa hay’adda ilaalinta carruurtu kaa qortay. Dadka dhinac ka ah kiiska, badanaa ah waalidka, iyaguna caadi ahaan way akhrisan karaan waxa kulanka laga wadahadlay.
Qofka kuu qaabilsan ayaa kuu sheegi kara in macluumaadka la siinayo waalidka iyo in kale.

Tusaalooyin su’aalo aad weydiin karto

  • Mar kale ma kulmi doonnaa?
  • Yaan la kulmayaa kulanka dambe?
  • Maxay hay’adda ilaalinta carruurtu hadda samaynaysaa?
  • SMS ma ku wada xiriiri karnaa?
  • Qaabkee kale ayaan ku wada xiriiri karnaa?
  • Ma ii soo diri kartaan xusuusin marka dambe ee aan kulmayno?
Way fiican tahay inaad su’aalo weydiiso qofka kuu qaabilsan kulanka ka dib.

Sidee kulanku kula ahaa?

Guji mid ka mid ah dareennada si aad u hesho talooyin ku saabsan waxa aad sameyn karto

Jawaabtaada lama kaydinayo, loomana dirayo hay’adda ilaalinta carruurta ama cid kale.

Waa wax fiican 😀

Haddii aad qabto su'aalo kale, mar walba waad weydiin kartaa qofka ku qaabilsan. Haddii aadan helin lambar aad wici karto, kulanka dambe codso lambarka.

Waa iska caadi 😐

Waa nasiibdarro! Ka fikir waxa aan fiicnayn. Ma kugu adag tahay inaad xiriir la yeelato hay’adda ilaalinta carruurta? Mise kulankan oo keliya ayaan fiicnayn? Ma waxa jira wax la sameeyay ama la yiri oo aan fiicnayn?

Ma fiicna 🙁

Mar walba waad la hadli kartaa qofka ku qaabilsan. Haddii aad rabin inaad la hadasho qofka ku qaabilsan, codso inaad la hadasho qof kale oo ka tirsan hay’adda ilaalinta carruurta.
Haddii ay jiraan wax aad ka cabanayso, waad caban kartaa. Wakiilka Dawladda ee Gobolka (statsforvalteren) wuxuu leeyahay foom fudud oo laga helo halkan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan cabashadana waxaad ka heli kartaa halkan. Qofka kiiskaaga haya ayaa kaa caawin kara inaad cabasho gudbiso.

Qorshe adiga kuu gaar ah

Qorshahan waxaa laguu samaynayaa markaad u baahan tahay caawimo ka timaadda adeegyo kala duwan oo isku mar ah, muddo dheerna soconaya. Waxaa dhici karta inaad u baahato caawimo markaad guriga joogto ama markaad iskuulka joogto, ama inaad u baahato in waxyaabo kale laguu habeeyo. Dhammaan dadka ku caawinaya ayaa isugu imanaya kulamo si ay uga wadahadlaan sida ugu fiican ee ay kuu caawin karaan, iyadoo qof walbana qabanayo hawlihiisa. Waxaa dhici karta in lagugu casuumo inaad ka qayb gasho kulan looga hadlayo qorshahan, ama adiga ayaa codsan kara kulan noocaas ah.
Kulanka ku saabsan qorshaha adiga kuu gaarka ah waxaa joogi kara dhowr qof oo muhiim kuu ah:
  • waalidkaaga, haddii aad ka yar tahay 18 sano
  • qof ka socda hay’adda ilaalinta carruurta
  • qof ka socda caafimaadka, tusaale ahaan cilmi-nafsi-yaqaan ka socda adeegga caafimaadka dhimirka ee carruurta iyo dhallinyarada (BUP)
  • qof ka socda iskuulka
  • haddii aad rabto, waxaad soo wadan kartaa qof kale oo aad ku kalsoon tahay
Waa muhiim inaad ka qayb qaadato, qorshahuna waa inuu muujiyo sida laguu siinayo fursad aad uga qayb qaadato.