
Sida kiisku ku bilaaban karo
Carruurta iyo waalidku iyaguba way wici karaan hay’adda ilaalinta carruurta si ay caawimo u codsadaan. Haddii ilmo caawimo codsado, hay’adda ilaalinta carruurtu waa inay bilowdaa baaritaan. Sidaas oo kale ayay tahay haddii waalidku caawimo codsadaan.

Qof kasta oo u malaynaya in ilmo dhibaatoonayo, wuxuu hay’adda ilaalinta carruurta u diri karaa . Dadka waaweyn ee shaqadoodu la xiriirto carruur waa inay diraan farriin walaac ah marka ay u malaynayaan in ilmo dhibaatoonayo.

Haddii ay degdeg u tahay oo loo baahan yahay in ilmaha la badbaadiyo, waa inay hay’adda ilaalinta carruurtu markiiba wax qabataa. Markaasna waa inay bilowdaa baaritaan. Haddii ilmuhu uusan u baahnayn in markiiba la badbaadiyo, hay’adda ilaalinta carruurtu waxay haysataa toddoba maalmood si ay u go’aamiso inay baaritaan bilaabayso iyo in kale.

Baaritaanka hay’adda ilaalinta carruurtu
Haddii hay’adda ilaalinta carruurtu bilowdo baaritaan, waxay u samaynaysaa si ay u ogaato in ilmuhu u baahan yahay caawimo ama in la ilaaliyo. Waxaa sidoo kale caawimo u baahan kara dad kale oo qoyska ka tirsan.

Inta baaritaanku socdo, hay’adda ilaalinta carruurtu waxay la xiriirtaa dad waaweyn oo sheegi kara sida ilmuhu yahay. Tusaale ahaan, dad ka shaqeeya iskuulka ama tababare ilmuhu marar badan la kulmo. Ilmuhu sidoo kale wuu sheegi karaa dadka waaweyn ee uu u arko in hay’adda ilaalinta carruurtu la hadli karto.

Hay’adda ilaalinta carruurtu waxay sidoo kale la hadashaa carruurta iyo qoyska oo kala hadashaa caawimada ay u malaynayaan inay iyaga u wacan tahay. Carruurtu mar walba waxay xaq u leeyihiin inay sheegaan fikirka ay qabaan, hay’adda ilaalinta carruurtuna waa inay dhegeysataa. Laakiin mararka qaarkood arrintu uma dhacdo sida ilmuhu rabo, laakiin markaas oo kale waa in ilmaha loo sheego sababta.
Hay’adda ilaalinta carruurtu waxay qiyaastii haysataa saddex bilood oo ay ku isticmaalayso baaritaanka kiiska.

Caawimada ilmaha iyo qoyska la siin karo
Caawimada hay’adda ilaalinta carruurtu bixiso waxaa loo yaqaanaa waxqabad, taas oo macnaheedu yahay caawimo la qorsheeyay. Badanaa waxay ku saabsan tahay in laga wada hadlo sida xaalada gurigu u fiicnaan karto iyo sida qoysku si wadajir ah u xallin karo dhibaatada.
Caawimada la bixin karo waxaa ka mid ah:
- In waalidku helaan caawimo si ay is beddel u sameeyaan, si xaalada ilmaha ee gurigu u fiicnaato
- In qoysku la hadlo qof ka shaqeeya caawinta qoysaska
- In ilmuhu qof kala hadlo waxyaabaha adag iyo waxyaabaha fiican.
- In ilmuhu helo qof taageero u ah, qof ka caawiya nolol-maalmeedka ama qoys uu booqan karo

Hay’adda ilaalinta carruurtu waa inay la hadashaa ilmaha si ay hesho caawimada saxda ah. Ilmo ahaan, mar walba waxaad xaq u leedahay inaad sheegto fikirkaaga, hay’adda ilaalinta carruurtuna waa inay ku dhegeysataa. Tusaale ahaan, ilmuhu wuxuu ka qayb qaadan karaa go’aaminta inta jeer ee uu la kulmayo qof taageero u ah.
Waxa ilmuhu ka qayb qaadan karo go’aamintiisa waxay tusaale ahaan ku xiran tahay nooca caawimadu tahay.

Mararka qaarkood carruurta iyo dhallinyaradu waa inay ku noolaadaan meel aan gurigooda ahayn, si ay u helaan ilaalin ama caawimo, laakiin taas inta badan ma loo baahna. Taas waxaa loo yaqaanaa in ilmaha meel kale la dejiyo, ama inuu . Inkastoo waalidku ilmaha jecel yihiin, haddana mararka qaar ma awoodaan inay ilmaha daryeelaan.

Haddii ilmuhu ka yar yahay 15 sano, waa inay waalidku oggolaadaan caawimada ikhtiyaariga ah. Haddii ilmuhu ka weyn yahay 15 sano, waa inay ilmaha iyo waalidkuba oggolaadaan caawimada ikhtiyaariga ah.

Mas’uuliyadda saaran hay’adda ilaalinta carruurta marka lagu caawinayo
Marka carruurtu caawimo ka helaan hay’adda ilaalinta carruurta, waa in hay’addu la socotaa sida caawimadu u shaqaynayso. Ilmuhuna wuu la hadli karaa qofka qaabilsan haddii uu su’aalo qabo ama uu rabo inuu wax u sheego.